Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulankii u horreeyay la yeeshay Joacim Waern

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Joacim Waern.

Labada masuul ayaa kulankaan waxay uga wada-hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, wuxuuna ku booriyey dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda.

Mudane Xamza ayaa waxa uu si gaar ah u dul istaagay taageerida arrimaha xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah iyo gaarsiinta adeegyada sanadaha badan ka maqnaa.

Danjiraha Boqortooyada Sweden Joacim Waern ayaa dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isaga oo ballan-qaaday in uu ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaas.

Shalay ayay aheyd markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhin doona dalkeenna Joacim Waern.

Xasan ayaa markaas u rajeeyey Danjire Joacim Waern in uu ka miro Dhaliyo matelaadda dalkiisa iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood, dhanka kale.

Danjiraha ayaa isna soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA