Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii ugu dambeeyay magaalada Garoowe

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli xaalado kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taas oo u dhexeyso xubnaha mucaaradka ah iyo sidoo kale madaxweyne Deni.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ku jiraan xubnaha musharixiinta ee la tartamaya Deni ayaa maanta shir ku yeesheen Garoowe oo ay kasoo saareen warsaxaafadeed waxa ay ku sheegeen in madaxweynaha uu abaabul dagaal ka wado gudaha magaalada Garoowe

Xubanaha mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu damacsan yahay inuu awood ku maquuniyo cid kasta oo kasoo horjeedo qorshihiisa, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay dallada ay ku mideysan yihiin mucaaradka Puntland lagu sheegay in Deni uu ka shaqeynayo iska hor imaad ka dhaca caasimada, si ay mar kale colaad uga dhacdo caasimada Puntland ee magaalada Garoowe.

Mucaaradka ayaa sidoo kale ka digay in ciidamada gaarka ah ee PMPF loo adeegsado caburinta shacabka iyo siyaasiinta kasoo horjeedo madaxweynaha, iyaga oo sheegay in loo diyaarinayo dagaallo mar kale dhaca si lamid ah kuwii ka dhacay Garoowe iyo Boosaaso.

“Waxaan ka digaynaa in ciidanka PMPF ee dowladda Imaaraatku gacanta ku hayso loo adeegsado caburinta shacabka iyo awood maroorsiga. Waxaan aad uga xunnahay in ay ka qeyb qaateen dagaalladii Garowe iyo Bosaso, haddana loo diyaarinayo dagaal hor leh,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xubnaha mucaaradka maamulka Puntland.

Farriimaha kasoo baxaya mucaarada iyo tallaabooyinka ay qaadeyso madaxtooyada ayaa uga sii daraya xaaladda cakiran ee Puntland, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada.

Si kastaba, lama oga sida ay waxa noqon doonaan, maadaama labada garab ee is haya uu dhinac kasto ku adkeysanayo go’aankiisa iyo damaciisa siyaasadeed ee Puntland.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA