Wednesday, February 21, 2024
spot_imgspot_img

Wasiir Fiqi: Dowladda federaalku waxay si dhow ula shaqeynaysaa maamulka SSC- Khaatumo

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay si dhow ula shaqayn doonto maamulka KMG ah ee SSC- Khaatumo, iyadoo dowladdu sheegtay inay aqoonsan tahay go’aankii masiiriga ah ee ay gaareen duubabka dhaqanka ee kasoo jeeda degaanadaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo jeedinayay warsaxaafadeed kasoo baxay kulamadii Muqdisho uga socday hoggaamiyaha SSC iyo dowladda federalka, ayaa sheegay in ay dowladda si buuxda uga howlgalayso wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee degaanada SSC- Khaatumo.

Wasiir Fiqi wuxuu ugu baaqay maamulka SSC- Khaatumo iyo Somaliland in ay la kala wareegaan maxaabiista ay kala haystaan, wuxuuna sheegay dowladda federalku inay diyaar u tahay inay fududayso sidii arrintaas ay ku dhici lahayd.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in labada dhinac ay sameeyaan xabbad joojin, ayna noqdaan dad derisoo nabad ku wada nool.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.

Arbaco 21-Feb-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA https://youtu.be/-WDNE0L08kg

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Gaaraxo “Ummadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay ma arki doontaan maanta kadib Argagaxiso”

Arbaco 21-Feb-2024 {HMC} Xildhibaan Gaaraxo “Ummadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay ma arki doontaan maanta kadib Argagaxiso'' HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA https://youtu.be/enuWAiNEqwU

WARARKA