Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Banaanbax weyn oo Lagu Taageerayao Falastiine oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Jimco , October -20- 2023-{HMC} – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo dadka reer Falastiin.

Boqolaal dadweyne ah ayaa ka qeyb-galay banaanbaxan oo sidoo kale muujinayay sida looga horjeedo duqeymaha diyaaradaha Isreal ka ka wadaan dhulka Falastiiniyiinta.

Sheekh Cabdul Xayi oo kamid Culimaddii halkaasi kula hadashay dadweynaha isku soo baxay ayaa waxa uu sheegay in banaanbaxan uu muujinayo gardarada Isreal ku hayso Muslimiinta Reer Falastiin.

“Isku soo baxaan aan isku soo baxeyno waxaa iskugu soo baxnay in qadiyadda ay Israel gardaran tahay, oo dhulka Islaameed ay haysato in ay muujiso,” ayuu yiri Sheekh Cabdull Xayi.

Waxa uu sheegay in maadaama Muslim nahay ay tahay in aan garab istaag u muujino dadka reer Falastiin, si aan weliba ka ganbasho laheyn, “Waa la ogyahay cidda sidaas wax yeelaysa, waxaa garta siineyna Falastiin.”

Waxa uu intaas kusii daray “Hubka la isticmaalayo ducada ayaa ka khatarsan, maxaa yeelay ducada Ilaahay ayay u jeeda. Ilaahayow guulle (Falastiin) waa isku soo aruursadeene.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor si adag u cambaareysay duqeymaha Israel, iyada oo ku baaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, ayada oo Israel xasuusisay qawaaniinta caalamiga ah.

Bayaanka oo markaas kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto sharciga caalamiga iyo xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah.”

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA