Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Biden: “Taageerada Israa’iil iyo Ukraine ‘waxay muhiim u tahay’ Amniga Mareykanka”

Jimco , October -20- 2023-{HMC}— Waa arrin “muhiim u ah amniga qaranka ee Mareykanka” in Israa’iil iyo Ukraine ay ku guuleystaan dagaalladooda, sidaas waxaa sheegey Madaxweyne Joe Biden oo habeenkii Khamiista khudbad naadir ah ka jeediyey Xafiiskiisa ku yaalla Aqalka Cad ee Oval Office, taas oo ka dhigaysa inay sii qoto dheerayso doorka Mareykanka ee ku lug lahaanshaha ee dagaalada ka socda labadan dal.

Biden ayaa sheegay ” in haddii gardarada caalamiga ah loo ogolaado inay sii socoto, inay isku dhacyada iyo fowdadu ay ku fidi karaan qaybaha kale ee aduunka.”

“Xamaas iyo Putin waxay matalaan haliso kala duwan,” ayuu yiri Biden. isaga oo sii raaciyey “laakiin waxay wadaagaan, in labadooduba ay rabaan inay gebi ahaanba baabi’iyaan dimuqraadiyadda dalalka deriska la ah.”

Waxa uu sheegay in uu codsi dhaqaale oo degdeg ah u diri doono Congress-ka, kaas oo la filayo in uu noqdo ku dhawaad $100 bilyan sanadka soo socda.

Hindisahan, oo la soo bandhigi doono Jimcaha, ayaa waxaa ku jira lacag loogu talagalay Ukraine, Israel, Taiwan, gargaarka bini’aadantinimo iyo maareynta xuduudaha.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA