Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka Deegaanka ee Ku suagan Gadoon oo Gacanta ku Dhigay Sahay u socotay AS

Jimco , October -20- 2023-{HMC} – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in howlgal qorsheysan ay maanta ka sameeyeen ciidanka amaanka deegaanka Dawacooleey oo ah deegaan u dhaxeeya Xiindheere iyo Gadoon ee gobolka Galgaduud iney ku qabteen gaari xamuul ah oo kooxda Al-shabaab u socday.

 

 

Gaariga ciidanka ay gacanta ku dhigeen ayaa la sheegay inuu siday sahay ciidan oo aad u badan, Shidaal iyo Raashin.

 

 

Intaa kadib waxaa lasoo wariyay in xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka war helay in gacanta lagu dhigay gaarigii sahayda u siday iney weerar kusoo qaadeen ciidanka amaanka.

 

 

Weerarkaas ayaa la sheegay inuu ahaa mid waqti kooban socday, islamarkaana lagu dilay 3 ka mid ah xubnahii shabaabka ee weerarka soo qaaday.

 

 

Warbaahinta qaranka ayaa goordhaw baahisay sawirada gaariga siday sahayda loo waday kooxda Al-shabaab ee haatan xaalad go’doon ah ku wajaheysa qeybo ka mid ah deegaanada gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA