Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

Ciyaar yahan Caan ah Oo Dacwad Ka Gudbiyey Wasiir Ku Tilmaamay Argagixisada

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Ciyaaryahan Karim Benzema ayaa ka fikiraya in uu dacwad rasmi ah ka gudbiyo wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin oo talaadadii waraysi uu bixiyey ku eedeeyey in uu yahay argagixiso xidhiidh la leh ururka Ikhwaanul Muslimiin ee waddanka Masar, kaas oo dalal badan oo adduunyada ah ay u aqoonsadeen inuu yahay urur argagixiso.

 

 

 

Benzema ayaa dhibbane u noqday faquuq ay ku sameeyaan siyaasiyiinta mayalka adag ee Faransiiska oo ku beegsanaya in uu yahay ciyaartoy Muslim ah oo kasoo jeeda Algeria, ayaa waxay hadda ku qaadeen weerar markii uu ka hadlay xasuuqa ay Yuhuuddu ku hayso shacabka Falasiin.

 

 

 

Sida uu qoray wargeyska Le Parisien, xiddiga hore ee Real Madrid ayaa waxa uu ka fiirsanayaa dacwad uu ka gudbinayo wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska oo lagu amgacaabo Gerald Darmanin oo ah nin aan garsanin difaaca Yuhuudda iyo nacaybka uu u qabo Muslimiinta.

 

 

 

Waxa uu Horay Ciyaar yahayn Benzema u dacweeyey labada xildhibaan ee cunsuriyiinta ah ee Nadine Morano iyo Frank Tapiro oo fagaareyaal ka sheegay in Benzema uu qaybta faafinta dacaayadaha u qaabbilsan yahay kooxda ‘Xamaas’, isaga oo kaliya ku haysta in uu ka hadaly xasuuqa Yuhuuddu ku hayso carruurta iyo hooyooyinka Falastiin.

 

 

Benzema ayaa ka hadkaysan waayey duqaymaha ay Yuhuuddu ku hayso Qasan oo cusbitaal halkaas ku yaalla ay gantaallo la dhaceen toddobaadkan, kuna dileen ku dhowaad 1,000 qof.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {05-05-2024}

Axad 5 April, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Waa tuma gabadha Muslimadda ah ee noqotay taliyaha ciidank cirka Dalka Kenya?

Axad 5, May 2024 {HMC} Maj Gen Fatuma Gaiti Ahmed ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee taariikhda dalka Kenya loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Cirka...

WARARKA