Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciyaartoy Muhiim Ah Oo Usoo Noqday Kooxda Barcelona

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Kooxda Barcelona ayaa wxaa ay dib u heshay afar ka mid ah ciyaartoydeeda muhiimka ah oo dib ugu soo laabtay xilli ay kusoo fool leeyihiin kulamo adag oo ay ku jirto ciyaarta Real Madrid ee Sabtida toddobaadka dambe.

 

Ciyaar yahay Xavi Hernandez oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyey, in kooxdiisu ay dib usoo dhoweysay afar ciyaartoy oo kasoo laabtay dhaawacyo ay ku maqnaayeen, isla markaana taam u yihiin ciyaarta Athletic Bilbao ee Axadda iyo kulamada xiga.

 

 

Talaabadan ayaa aad uga farxiyey taageereyaasha, ayaa waxa uu Xavi Hernandez ku sheegay, in labada ciyaartoy ee kaga dhaawacmay xulka ee Lamine Yamal iyo Alejandro Balde ay kasoo doogeen dhaawacyadii ay qabeen, sidoo kalena Ronald Araujo iyo Ilkay Gundogan ay taam u yihiin kooxda oo ay mar kale dheeli doonaan.

 

 

Wali waxaa ka maqan kooxda kubada Cagta Barcelona Pedri, Raphinha, Robert Lewandowski, Frenkie de Jong iyo Jules Kounde, kuwaas oo uu Xavi Hernandez ka gaabsaday in uu xaqiijiyo in ay taam u noqon karayaan kulanka Real Madrid ee toddobaadka dambe.

 

 

“Waxa jira dareen wanaagsan. Waxa aan rajaynayaa in Pedri uu iman karayo ciyaarta El Clasico. Wuxuu doonayaa in uu ciyaaro, sababtoo ah waa hoggaamiye, laakiin wali wuu dhaawacan yahay, annaga ayaa soo sheegi doona haddii uu diyaar noqdo.”

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA