Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Danjire Abuukar Baalle oo Qaramada Midoobay ka dalbaday in La taageero horumarka Maamulka SSC Khaatumo

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Abuukar Cismaan Baalle Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay  oo warbixin ka jeediyay kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid ahayeen cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo xaalada SSC Khaatumo.

 

 

Danjire Abuukar Baalle ayaa ugu horeyn Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran mudada dheer, isagoona tusaale u soo qaatay in dalka uu sameeyay isbadalo iyo horumar la taaban karo.

 

Sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay uu kulankaas ka sheegay in xaalad deganaasho ay ka jirto magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isagoo xusay in taasi ay ku timid dadaalada dheeraadka ah oo ay sameeyeen maamulka SSC Khaatumo.

 

 

Abuukar Baalle Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale soo dhaweeyay aqoonsiga dowladda Fedaraalka ee dhismaha maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo, isagoona ku booriyay UNSOM iyo saaxiibada caalamka inay taageeraan horumarkan si loo waafajiyo siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Qaramada Modoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dadaal wadajir ah ay Soomaaliya uga gudubeyso khatarta Al-Shabaab, islamarkaana ay dhawaan gali doonto nabad iyo barwaaqo waarta.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA