Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Sucuudiga Oo Magdhow Ka Dalbaday Xiriirka Kubada Cagta Aduunka ee FIFA.

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa laga doonayaa lacag magdhow ah oo gaadhaysa £6.5 milyan oo Gini kaddib dhaawac halis ah oo soo gaadhay xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr oo qalliin lagaga samayn doono jilibka, isla markaana garoomada ka maqnaan doona inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda.

 

 

Kooxda kubadda cagta Al-Hilal ayaa xaqiijisay in Neymar uu dhaawacu ka gaadhay jilibka oo ay qasab tahay in lagu sameeyo qalliin sababi doona in aanu mar dambe u ciyaarin inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda, waxaanay kooxdan reer Sucuudi doonaysaa in FIFA ay siiso magdhow.

 

 

Laacibkan oo garoonka laga dhax-qaaday ciyaartii Brazil ay guul-darradu kasoo gaadhay ee ay Uruguay ku garaacday 2-0 Salaasadii, ayaa waxa uu kooxdiisa Al-Hilal mushahar uga qaataa toddobaadkii lacag lagu sheegay £2.5 milyan oo Gini.

 

 

Sida uu dhigayo sharcigu, FIFA ayaa bixinaysa mushaharka ciyaartoyga ku dhaawacma ciyaaraha caalamiga ah inta u dhaxaysa 28 maalmood illaa sannad, laakiin waa in lacagta ay bixinayso aanay ka badnaanin £6.5 milyan oo Gini.

 

 

Neymar oo heshiis laba sannadood ah oo uu u saxeexay Al-Hilal ku qaadanaya mushahar dhan £314 milyan oo Gini, ayaa muddo dheer maqnaanaya, waxaana ay taasi khasaare weyn ku tahay kooxda Sucuudiga oo lacag sidaa u badan siin doonta ciyaartoy dhaawac u jiifa.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA