Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Duulimaadkii garoonka diyaaradaha Magaalada Baledweyne oo maanta Xiran

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Waxaa Saakay hakad ku jira dhamaan howlahii duulimaadyada diyaaradaha imaan jiray, kana duuli jiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, kadib roobaab xoogan oo dhowr saacadood oo xiriir ah Xalay ka da’ay gudaha iyo daafaha Baledweyne.
Roobabka Xalay ka da’ay gudaha magaalada Baledweyne iyo deegaanada ku dhawdhaw ayaa sababay in garoonka diyaaradaha ay dhex fariistaan biyaha roobabka, taasi sababtay in dhamaan duulimaadyadii garoonka uu saakay hakad ku yimaado.

Boqolaal dad ah oo ku kala sugan Muqdisho iyo Baledweyne ayaa Xalay ku seexday iney u kala safraan labadaasi magaalo, hayeeshe saakay loo sheegay in garoonka uu yahay mid biyo dhex fadhiyaan, islamarkaana aysan jirin wax duulimaad ah oo kasoo dagaya, kana duulaya.

Sanad walba marka la gaaro xiliyada roobabka waxaa hubaal noqotay iney istaagto howlaha shaqo garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee garoonka diyaaradaha  Baledweyne waxa uu ka mid yayay garoomada ugu duulimaadyada badan gudaha Soomaaliya, waxaana kasoo xarooto si maalinle ah lacag lagu qiyaasay ugu yaraan 5 kun oo doolar oo canshuur ah, mana helin garoonka cid dayaca haysta ka saarta hadii ay noqon laheyd heer maamul goboleed iyo heer Fedaraal intaba.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA