Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Inta badan Ardaydii Fasalka 12aad ee Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ku dhaceen imtixaankii sannadkan

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida oo ka hadashay Natiijada Imtixaanka fasalka 12aad oo dhawaan ardayda degaanku ay galeen ayaa sheegtay in boqolkiiba 99 tiro ka badan ay ardaydu ku dhaceen imtixaankaas ama ay keeneen natiijo ka hooseysa natiijadii loogu gudbayay Jaamacadaha.

Cabdilaahi Cabdi Wasiirka Waxbarashada ee degaanka Soomaalida oo la hadlay Warbaahinta degaanka ayaa sheegay in natiijada sannadkan ardayda fasalka 12aad ay keeneen ay aad u hooseyso, isagoo xusay in sannadkan imtixaanka lagu galayay Jaamacadaha dalka Itoobiya.

Wasiir Cabdilaahi Cabdi waxa kale oo uu sheegay in ka degaan ahaan ay Imtixaanka fasalka 12aad ee sannadkan ay u fadhiisteen 21,787 Arday, oo isugu jirtay Ardayda Cilmi degaan iyo kuwa Sayniska, waxaana baastay ama keenay natiijadii loogu gudbayay Jaamacadaha Arday gaaraysa boqolkiiba 0.3% oo u dhiganta 74 Arday oo kaliya.

Marka la eego guud ahaan dalka Itoobiya sannadkan waxaa imtixaanka Fasalka 12aad u fadhiistay Arday gaaraysa 84,5099 waxaana gudbay oo baasay 27,267 Arday oo u dhiganta boqolkiiba 3.2%. taas oo ka dhigan in natiijada hooseysa ay sannadkan ka jirtay guud ahaan dalka Itoobiya.

Dowladdu inkastoo ay arrintan u sababaysay dadaal yari dhanka Ardayda ah iyo inay ardaydu is dhigteen oo ay sahashadeen imtixaanka oo qaab cusub loo qaaday sannadkan, haddana dad badan ayaa ka biyo diiday hadalkaas dowladda kasoo yeeray, iyagoo xusay in dhinaca kale ay ceeb ku tahay dowladda in badi ardaydaasi ay gudbi waayaan oo dowladdu aysan dadaal badan horey ugu soo bixin.

“Natiijadu ma ahayn mid nafarax galisa, laakiin waa mid xaqiiq ah oo ay tahay inaan qaadano”, ayuu kusoo gunaanaday Wasiirka Waxbarashadu ee Dowlad degaanka Soomaalida Cabdilaahi Cabdi.

tan oo kale wali Horey uma dhicin in ardayda degaanka Soomaalida ee fasalka 12aad ay heli waayaan natiijadii lagu baasayay, inkastoo dowladdu ay waxbadan ka badashay Waxbarashadii degaanka, sidoo kalena ay ka hortagtay Qishkii iyo qaababkii hore ee imtixaanka loogali jiray, haddana natiijada sannadkan soo baxday waa mid dad badani wax iska waydiinayaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17-05-2024}

Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan Farsamadii ::Mohamed Baryare...

{DAAWO MUUQAALKA} Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa.

Jimco-17-May-2024 {HMC}  Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/bFp9EuExd9s

WARARKA