Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Israel oo duqeyn ku dishay hogaamiye sare oo ka tirsan Xamaas

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Xafiiska warfaafinta ee xukuumadda Gaza ayaa sheegay in taliyihii ciidamada ammaanka qaranka ee Xamaas Maj. Gen. Jihad Muheisen, lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Gaza isaga iyo qaar ka mid ah qaraabadiisa.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga tirada dadka eheladiisa ah ee lagu dilay xaafadda Sheikh Radwan ee waqooyiga magaalada Gaza.

Ciidanka Amniga Qaranka waa urur ka dhisan Gaza oo ay la wareegeen Xamaas ka dib markii ay qabsadeen 2007dii.

Dhinaca kale, saraakiisha Xamaas ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in Jamila al-Shanti oo ka tirsan golaha sharci dejinta ee Xamaas lagu dilay duqayn cirka ah oo ay fuliyeen Israa’iil Khamiistii.

Waxaa loo yaqaanay haweeneydii ugu horreysay ee loo doorto xafiis siyaasadeed oo ka tirsan kooxda Xamaas

Waxay u dhaxday Abdiaziz Al-Rantisi oo ka mid ahaa aasaasayaashii dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta, marka hogaamiye ka soo noqday Xamaas kaasoo ay sanado ka hor qaarajisiay Israel.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17-05-2024}

Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan Farsamadii ::Mohamed Baryare...

{DAAWO MUUQAALKA} Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa.

Jimco-17-May-2024 {HMC}  Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/bFp9EuExd9s

WARARKA