Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Arimaha Doorashooyinka wadanka iyo Xaalada Siyaasadeed ee taagan,

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Madaxweynihii Hore ee Saamaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka hadlay Arimaha Doorashooyinka wadanka iyo Xaalada Siyaasadeed ee taagan,

Qoraalka Kooban uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa uqornaa sidaan;

Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan. Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.

Sidaas darteed in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waa masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha Dawladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka.

Baarlamaanka Federalka Soomaaliya waxaa waajib qaran iyo mid taariikhi ah ka saaran yahay in ay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed.

Waxaan garowsannahay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taas oo aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed xaq ayey u leeyihiin in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, si xor iyo xalaal ah oo daahfuran, waafaqsanna xeerarka iyo shuruucda dalka.

Wa billaahi Al-towfiiq

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA