Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo digniin u diray muwaadiniinta ku nool caalamka

Jimco , October -20- 2023-{HMC}—  Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay digniin naadir ah Khamiista maanta ah, taas oo ay uga digeyso dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ah ee dibedda ku nool inay “taxadar muujiyaan”, sida lagu sheegay qoraal ku soo baxay website-ka Waaxda Arrimaha Dibadda.

Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sababata digniintan ku tilmaantan xasadaha sare ee meelo kala duwan oo adduunka ah.

Waxay sidoo kale ka digtay ‘suurtagalnimada weeraro argagixiso mudaaharaadyo, ama falal rabshado ah oo ka dhan ah muwaadiniinta iyo danaha Mareykanka’.

Sida ay toddobaadkii hore sheegtay Waaxda Arrimaha Dibaddu, ilaa 20 muwaadin oo Mareykan ah ayaa loo maleynayaa inay ka mid yihiin dadka toddobadii bishan Xamaas ka afduubatay Israa’iil.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA