Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa Israa’iil ka hortaagan inay dagaal dhulka ah ku gasho Qasa?

Jimco , October -20- 2023-{HMC}— Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxa ay Israa’iil tilmaamtay in loo diyaar garoobay weerar dhinaca dhulka ah oo lagu soo qaadayo Qasa si loo afjaro doono milatariga Xamaas ee Qaza.

Israa’iil ayaa dagaalkaas u diyaarisay 300,000 oo askari oo kuwa kaydka ah kuwaas oo la soo dhoobay daanta kale ee Marinka Gaza. Taangiyo, Madaafiic iyo Kumanaan Askari oo hubaysan ayaa sidoo kale la soo ururiyay.

Ciidamada Cirka iyo kuwa badda ee Israel ayaa si weyn u duqeeya goob kasta oo suurtagal ah oo ay ku dhuumaalaysan karaan Xamaas iyo ururka Jihaad Islaami ee Falastiin, kuwaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen tiro badan oo rayid ah oo ay ku jiraan saraakiil Xamaas ka tirsan.

Qarax ka dhacay isbitaal ku yaal Gaza Talaadadii, oo ay labada dhinac midna midka kale ku eedeeynaya, ayaa sii huriyay xiisadda gobolka.

Haddaba su’aasha la is weydiinayo ayaa ah, waa maxay sababta Israa’iil aysan weerar dhulka ah ugu qaadin Qaza inkastoo lagu dhawaaqay? Halkan waxaan indinkula wadaageynaa dhowr qodob oo loo sababeyn karo.

Madaxweynaha Maraykanka

Booqashadii lama filaanka ahayd ee madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu subaxnimadii Arbacada ku tagay Israa’iil ayaa ahayd mid muujinaysa sida uu Maraykanku uga walaacsan yahay xaaladda sii xumaanaysa. Ameerika waxay qabtaa laba walaac: Midda kowaad waa dhibaatada bini’aadantinimo tan labaadna waa suurtagalnimada in colaaddu ku fido Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa si cad u sheegay in uusan taageersaneyn in Israa’iil ay dib u qabsato Gaza kadib markii ay isaga baxday 2005-tii. Sida laga soo xigtay isaga, ‘Waxay noqon doontaa qalad weyn.’ Ayuu yiri

Biden ayaa si rasmi ah u booqday Israa’iil si uu u muujiyo taageerada ah inuu Mareykanka yahay saaxiibka ugu dhow, halkaas oo uu sidoo kale doonayo inuu wax ka ogaado qorshaha Israel ee Gaza.

Hase yeeshee, sida laga soo xigtay ilo aan rasmi ahayn, madaxweynaha Maraykanku wuxuu ku booriyo in dawladda Israa’iil ay la wareegto maamulka iyo in Maraykanku uu doonayo inuu ogaado haddii Israa’iil ay doonayso inay ka baxdo Gaza haddii ay gudaha u soo gasho.

Weerar dhulka ah oo lagu qaadO Qaza inta uu madaxweynaha Mareykanka ku sugan yahay Israa’iil ayaan uga muuqan doonin labada dhinac.

Taasi waxay sidoo kale ku soo beegantay xilli Joe Biden uu si cad u taageeray mowqifka Israel ka dib qaraxii ka dhacay Isbitaalka Al-Ahli, sida uu sheegayna qaraxa uu ka dhashay gantaalka Islamic Jihad ee Falastiiniyiinta. Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in duqaymaha cirka ee Israa’iil ay ku garaaceen isbitaalka, ayna ku dhinteen boqolaal qof.

Iran
Maalmihii ugu dambeeyay Iran ayaa soo saartay digniin culus oo ku aadan in ay ka jawaabi doonto weerarka Israel ay ku hayso Qaza. Laakiin waa maxay khatartan macnaheedu?

Iran waxa ay lacag, hub iyo tababar siisaa ururada kala duwan ee ka dagaalama Bariga Dhexe. Ururradan waxaa ugu awoodd badan ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan oo ku yaalla dhanka waqooyiga Israa’iil.

Dagaalyahanada Xisbullah ayaa la sheegay inay ka tababar wanaagsan yihiin 

Dagaalkii 2006-dii dhexmaray labada dhinac wuxuu ahaa mid natiijo la’aan ku dhamaaday, xilligaasoo taangiyada casriga ah ee Israa’iil si habaysan loo burburiyay. Wixii markaas ka dambeeyay, Xisbullah oo gacan ka helaysa Iran, waxa ay urursatay ku dhawaad 1.5 milyan oo gantaallo ah, kuwaas oo intooda badan awood u leh inay ku garaacaan bartilmaameedyo gaar ah oo riddo dheer ah.

Khatarta qarsoon ee ku dhawaaqida Iran ayaa ah in haddii Israel ay weerarto Gaza, Xisbullah ay waji cusub ka furi karto waqooyiga, taasoo ku qasbi karta inay gasho dagaal laba geesood ah.

Hase yeeshee, lama hubo in Hezbollah ay doonayso inay wakhtigan gasho dagaalka, gaar ahaan iyadoo xeebaha badda Mediterranean-ka ay ku sugan yihiin laba markab oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Maraykanka, kuwaas oo u soo gurman kara Israa’iil wakhti kasta.

Sidaa darteed, Israa’iil waxa ay u xaqiijisay in haddii ay dhacdo weerar kaga yimaada Xisbullah in ciidamada badda ee Maraykanku ay si adag uga jawaabi doonaan. Waa in la xusuustaa in sannadkii 2006-dii, markab dagaal oo ay Israa’iil leedahay isna gantaal lagu dhuftay intii uu socday dagaalkii Xisbullah.

Dhibaato bini’aadantinimo
Aragtida ay dawladda Israa’iil ka qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ayaa ah mid aad uga duwan kan dunida reer galbeedka, gaar ahaan marka ay timaado dagaalka ka dhanka ah Xamaas ee Gaza.

Sababo la xiriira kororka tirada dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ee lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa’iil, ayaa hadda isu beddeshay mid ay dalbadaan badbaadada rayidka.

Hadii Israa’iil ay gasho Qaza, waxaa kor u kici doonta dhimashadu. Askarta Israa’iil ayaa sidoo kale dhiman doona, waxaana loo badinayaa in dagaalku uu ka dhaco godad dhulka hoostiisa.

Waxaana suurtogal ah in muwaadiniinta caadiga ah ay miraha dagaalka gurtaan.

Fashilka sirdoonka
Hay’adda Shin Bet oo ah hay’adda sirdoonka gudaha ee Israa’iil ayaa lagu dhaliilay inay ku guul-darraysatay inay joojiso weerarka Xamaas.

Bishan ayaan u wanaagsanayn hay’adaha sirdoonka Israa’iil.

Hay’adda Shin Bet oo ah hay’adda sirdoonka gudaha ee Israa’iil ayaa lagu dhaliilay inay ku guul-darraysatay inay joojiso weerarka Xamaas.

Shin Bet ayaa la rumeysan yahay in ay tahay shabakad ka howlgasho meelo aad u badan oo xog-ka radiyaan iyadoo basaasiintooda xitaa la sheego inay ka hawl galaan gudaha Gaza iyo in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa taliyayaasha Jihaadka Islaamiga ah ee Falastiin, oo ay ku jiraan Xamaas.

Laakiin, wixii ka dhacay koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar ayaa loo tixgalin doonaa fashilkii ugu weynaa ee dhinaca sirdoonka ee taariikhda Israa’iil tan iyo dagaalkii Yom Kippur ee 1973-kii.

Hay’adaha sirdoonka Israa’iil ayaa muddo 10 maalmood ah dadaal ugu jiray sidii ay kalsoonidooda dib ugu soo celin lahaayeen, waxayna ciidamada Israa’iil ka caawinayaan sidii ay u aqoonsan lahaayeen magacyada iyo cinwaannada la haystayaasha oo ay ku jiraan taliyayaasha Xamaas.

Waxaa dhici karta in hay’adaha sirdoonka Israa’iil ay doonayeen waqti ay ku soo ururiyaan xog dheeraad ah si marka ay ciidanku u guuraan ay u helaan meelo gaar ah oo aanay ku dhex wareegin burburka la soo weerari karo daqiiqad kasta. Way dhici doontaa oo waxaa jiri doona cambaarayn xagga adduunka ah.

Inkastoo duqeymaha culus ay geysanayaan ciidamada cirka Israa’iil, haddana Xamaas iyo kooxaha Jihaadka Islaamiga ah ee Falastiin ayaa weli dhaq dhaqaaq ka wada Qaza, iyagoo dhameystiray qorshayaashii ka hortagga iyo dabinnada loo dhigayay ciidamada haddii uu dhaco weerar dhulka ah.

Dabinnadani waxay noqon karaan kuwo dilaa ah gaar ahaan godadka dhulka hoostiisa mara. Adeegyada qarsoodiga ah ee Israa’iil ayaa isku dayi doona inay aqoonsadaan goobahan oo ay u sheegaan ciidanka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA