Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey Tahay Digniinta ay Madaxda dowladaha Masar iyo Jordan u direen hogaanka Israel?

Jimco , October -20- 2023-{HMC}— Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah el-Sisi ayaa la kulmay Boqor Cabdallaha labaad ee dalka Urdun iyagoo ka wadahadlay xiisadda sii xumaanaysa iyo xaaladda bini’aadantinimo ee ka taagan Gaza oo Israel ay iskugu dartay duqeyn, xasuuq iyo go’doomin.

Labada hoggaamiye ayaa cambaareeyay siyaasadda Israa’iil ee “ciqaab wadareed” ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta Gaza iyo dadaalka ay ku doonayso inay kaga barakiciso dhulkood sida uu sheegay xafiiska madaxtooyada Masar oo bayaan soo saaray

Labada waddan xiriir diblomaasiyadeed la leh Israa’iil ayaa waxay muujiyeen cabsi ku saabsan in Falastiiniyiinta si joogto ah dalalkooda loogu eryo, iyagoo ka walaacsan inay meesha ka saarto dal madax banaan oo ay mustaqbalka yeelato Falastiin, iyagoo Israel uga digay in duqeymaha ay wado ay sababi karaan xaalada gobolka oo ka sii darta.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Gen. Michael Kurilla oo ah madaxa taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka si ay uga wadahadlaan dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga labada dal iyo sidii loo “soo celin lahaa xasilloonida gobolka.

Saacado gudahood markii uu dhacay weerarkii 7-dii Octobar ee Xamaas, Mareykanku waxa uu bilaabay in uu maraakiib dagaal iyo diyaarado u raro bariga Mediterranean-ka si ay taageero ugu fidiyaan Israa’iil. Israel ayaa duqeymo aan kala joogsi lahayn ku qaaday Qaza.

Masar waxay muddo dheer ka shaqaynaysay sidii ay u dhexdhexaadin laheyd Israa’iil iyo Xamaas. Arbacadii, Masar iyo Israa’iil waxay gaareen heshiis u oggolaanaya in gargaarka la soo galiyo dhulka Falastiin.

Sidoo kale Khamiista, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa UK James Cleverly, iyagoo ka wada hadlay sidii loo qaboojin lahaa colaadda, waxna looga qaban lahaa xaaladaha bini’aadantinimo ee Gaza.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA