Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliya: Dad gaaraya 11 kun oo ruux oo laga helay Cudurka HIV/AIDS mudo lix bilood ah

Guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ee Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaale ayaa shaaca ka qaaday iney si aad ah u sii kordhayaan dadka uu soo ridanaayo Cudurka HIV/AIDS-ka.
Wuxuu sheegay guddoomiye Jimcaale in lixdii bilood ee la soo dhaafay laga helay xanuunka HIV/AIDS-ka dad gaaraya 11 kun oo qofood, taasi oo muujineysa inuu si aad ah ugu faafayo xanuunkaan gudaha Soomaaliya.

“Tirada dadka cusub ee lixdii billood u dambeysay laga helay xanuunkan waxay gaaraysa 11,000 oo ruux, dallad ayaa u sameynay oo muddo ayay shaqeynaysay, Dadka ismuujiyay ee dallada ku mideysan waa kun iyo toddoba boqol iyo xoogga, waxaa ka badan inta aan ismuujin ee ka shiixaya ee bulshada dhexdeeda ku jira” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ee Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaale.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiyaha in haatan Muqdisho ay ka wadaan wacyigelinta tababaro ku saabsan halista uu leeyahay Cudurkaan, islamarkaana ay dadaal badan ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada ee la xiriira xanuunkan.

Guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ayaa sidoo kale sheegay in dadka qaba xanuunkaan ee is muujiyay ay ka tiro badan yihiin kuwa qaba Cudurkaan ee aanan is muujin ee hadana la nool xanuunkaan.

 “Waxaa daawooyinka si joogta ah u qaata 4,419 qof oo ah dadka ku mideysan dalada an sameynay, waxaana taasi muujineysa halista ah inuu sii faafayo xanuunkaan maadama ay badan kuwa aanan is muujin ee aan daawoyinka qaadan” ayuu yiri guddoomiye Axmed Maxamed Jimcaalle.

Gabagabadii wuxuu codsaday guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka in madaxda sare ee dalka ay ku garab istaagaan guddigooda taageeero dhaqaale, si ay wax badan uga qabtaan khatarta Cudurkaan ee sida weyn ugu sii faafaya Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA