Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

1,289 qof oo rayid ah oo Lagu dilay Rabshadaha Somaaliya sanadkan.

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing oo hadal kooban ka jeedisay magaalada New York ayaa sheegtay in dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah.

“Sannadkii hore, waxaan aragnay kororka ugu badan ee khasaaraha rayidka ah, tan iyo 2017. Nasiib darro, xogta horudhaca ah waxay muujineysaa isbeddel la mid ah sanadkan 2023, iyada oo 1,289 dhimasho rayid ah la diiwaangeliyey illaa hadda,” ayay tiri.

Ergayga Qaramada Midoobay waxay sheegtay, ololihii milateri ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday bartamaha Soomaaliya inuu ku yimid dib u dhac, inkastoo ciidamada xoogga dalka iyo maleeshiyo beeleedyo markii hore u suuragashay inay dib u qabsadaan dhul muhiim ah.

Ergaygu waxay sidoo kale ka hadashay xaaladda bini’aadantinimo ee dalka, iyadoo ku tilmaamtay mid aad looga walaacsan yahay, iyadoo ku dhawaad afar milyan oo qof ay soo food saartay gaajo halka 1.2 milyan oo qof ay ku barakaceen.

Ergeyga Gaarka ah ayaa sidoo kale xusay horumarka laga gaaray dadaallada Soomaaliya ay ku dooneyso in bisha December ay ku gaarto Qorshaha dayn cafinta, iyadoo xusay ansixinta Hindise-sharciyeedka Hanti Dhowrka Qaranka ee arrintaas ku aaddan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA