Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} FAAH FAAHIN Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhig ciidanka dowladda ay ku lahaayeen Deegaanka Ceelasha Biyaha

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Qarax weyn oo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ayaa ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Qaraxaan oo dhacay saakay aroortii ayaa lagu weeraray saldhig ciidanka Booliiska Milatariga ay ku lahaayeen gudaha Ceelasha biyaha, lamana oga khasaaraha ka dhashay.

Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, iyagoo sheegay inay ku dileen 49 askari oo katirsanaa ciidankii ku sugnaa gudaha saldhigga la weeraray ee Ceelasha biyaha. Mase jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada kooxda Alshabaab.

Sawirro lagasoo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya burbur xooggan oo ka dhashay qaraaxaan. Guryo ay leeyihiin dad shacab ah ayay waxyeelo kasoo gaartay.

Hay’adaha amniga ee dowladda weli kama hadlin qaraxaan, wuxuuna kusoo beegmay, iyadoo Alshabaab ay kordhiyeen qaraxyada ismiidaaminta ah ee lala beegsanayo goobaha ciidanku ay ku sugan yihiin.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA