Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Janaraalka Mareykanka ee weerarka Qasa ku tilmaamay kii Muqdisho 1993

Sabti , October -21- 2023-{HMC}  Agaasimihii hore ee CIA-da Mareykanka, David Petraeus, ayaa ka digay in weerar dhulka ah oo lagu qaado Marinka Gaza “uu la mid noqon karo kii Mareykanka ku qabsaday Muqdisho.”

Mar uu ka hadlayay barnaamijka Power Play ee POLITICO ayaa janaraalkan hore wuxuu sheegay in haddii dagaal-yahannada Xamaas ay yihiin kuwo hal abuur difaac leh markii ay weerarka ku qaadeen Israa’iil 7-dii October “markaas aad arki doonto kuwo is qarxiya, aad arki doonto walxaha qarxa, aad arki doonto weerar celin,”

Petraeus ayaa ka digay in weerar dhulka ah oo lagu qaaday godka uu socon doono sanado uuna ka dhici doono dagaal aad u ba’an.

Wuxuu dib usoo xusuustay dhacdadii 1993 markaasoo saddex diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee Black Hawk lagu soo riday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo dhalisay dagaal uu dhiig ku daato oo gudaha magaalada lagu dagaallamay iyadoo ciidamada Mareykanka ay ku adkaatay soo badbaadinta askartoo ka badbaaday burburka diyaaradaha.

Saddexda diyaarad dagaal ee Mareykanka ayaa waxaa soo riday ciidamadii iska caabbinta, waxaana ka dhashay dagaal gudaha magaaalada ka dhacay dhowr saacadood, wuxuuna ahaa mid ka mid ah dagaalladii uu dhiigga ugu badan ku daatay ee Mareykanku galo tan iyo Dagaalkii Vietnam.

Inkastoo Mareykanka uu ugu dambeyntii dagaalkaas ku guuleystay, haddana 18 Ameerikaan ah ayaa dhintay, 37 kale ayaana dhaawacantay, halka dhanka Soomaalida boqollaal laga dilay.

“Way igu adag tahay inaan qiyaaso mid ka adag tan, aniga ayuuna ahaa kan ciidamada geliyay howlgallo badan oo waaweyn oo magaalo ka dhacay,” ayuu yiri Petraeus. “Kuma guuleysaneysid iska caabbinta kooxaha kacdoonka muddo sanad ama labo gudahood. Waxay caadiyan qaataan 10 sano ama ka badan, sida aan ku aragnay Ciraaq, sida aan ku aragnay Afghanistan.”

Madaxii hore ee milatariga Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iil ay u baahan tahay qorshe lagu soo celinayo adeegyada aasaasiga ah, dib loogu dhisay Gaza ayna dowlad ka dhaliso gobolka marka ay u aragto in dagaalka Xamaas ay kaga guuleysatay.

Patraeus, oo 70 jir ah, ayaa ka digay in Xamaas laga yaabo inay la timaaddo taatikooyin yaab leh oo halis ah iyo istaraatiijiyado.

Hadallada janaraalkan hore ayaa imaanaya kaddib markii ciidamada Israa’iil ay sheegeen inay weerar dhulka ah ku qaadi doonaan Gaza, iyagoo guri ka guri uga baaraya kooxda Xamaas.

Ciidamada dhulka ee Israa’iil wxay isugu jiraan taangiyo, kumaandoos, diyaarado dagaal, helikobtarroo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo madaafiic laga soo gano dhulka iyo badda.

Waxaa la siiyay ciidamadan tababar dheeraad ah oo ku aaddan sida looga howl galo deegaanno colaadeed sida Qasa, waxayna sii diyaarinayeen oo ay qorsheynayeen weerarkaas la filayo.

Waa kuma David Petraeus?

Gen David Petraeus, wuxuu ciidamada Mareykanka howlgab ka noqday bishii August ee sanadkii 2011, si uu madax uga noqdo hay’adda sirdoonka Mareykanka.

Wuxuu janaraalkan hore u ahaan jiray madaxa ciidamada Mareykanka ee ku jiray ciidamadii Nato ee Afghanistan.

Gen Petraeus ayaa noqday madaxa hay’adda CIA 6-dii September ee sanadkii 2011.

Balse horraantii bishii November ee sanadkii 2012 ayuu iska casilay xilkaas, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu gogol dhaaf sameeyay.

Janaraalkan hore ayaa qirtay arrintaas, isagoo sheegay inuu khaldamay.

Arrintan ayaa lagu ogaaday kaddib baaritaan ay sameysay FBI-da Mareykanka. Balse wax dacwad sharci ah laguma soo oogin.

Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Barack Obama ayuu u gudbiyay is casilaaddiisa.

“Kaddib markii aan xaaskeyga is qabnay 37 sano, qorshe xumo saa’id ah ayaa sameeyay anigoo gogol dhaaf sameeyay,” ayuu ku yiri warqad uu qoray.

David ayaa ciidamadii Mareykanka geliyay Ciraaq iyo Afghanistan, wuxuuna xilligaas ahaa askarigii ugu fiicnaa aadna loo ammaanayay.

Gen Petraeus ayaa lahaa khibrad aad u weyn oo la dagaallanka argagixisada ah.

Wuxuu dib u qaabeeyay istaraatiijiyadda ka hortagga kacdoonka ee Mareykanka, taasoo la iska illaabay kaddib Dagaalkii Vietnam.

Wuxuu ahaa nin uu qaab fekerkiisu aad u sarreeyo, waxayna dad badan aad uga xumaadeen in gogol dhaaf uu sameeyay keliya uu ninkan uga baxo ciidamada Mareykanka.

Xigasho BBC

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Mahad Cawid” Xildhibaanada qaar waxaa laga dareemayaa Cunqabateynta hubka soo celi”

Sabti 27 July 2024 {HMC}Xildhibaan Mahad Cawid" Xildhibaanada qaar waxaa laga dareemayaa Cunqabateynta hubka soo celi" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Madaalle ” Wax la Aqbali Karo maaha waxaa ka Jiro Xamar-Weyne.”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Gudoomiye Madaalle " Wax la Aqbali Karo maaha waxaa ka Jiro Xamar-Weyne." HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA