Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wararkii ugu Dambeeyay Daadad Xalay kusoo Rugmaday Baladweyn

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Roobab xoogan oo Xalay ka da’ay gudaha iyo daafaha Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sababay in guryahooda ay ka barakacaan qoysas farabadan oo daganaa Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako.

Roobabka ayaa socday ku dhawaad 6 saacadood oo xiriir ah, waxaana ka dhashay daadad xoogan oo kusoo rogmaday xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ee magaalada Baledweyne.

Dadka degan Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako, gaar ahaan laamaha Kutiimbo iyo Dhagax jibis ayaa Xalay saqdii dhaxe mar qura kusoo toosay guryaha oo ay u dhex ceegagaan biyo aad u fara badan, waxaana dadkaasi gurmad biyaha looga samatabixiyay u sameeyay dhalinyarada magaalada Baledweyne.

Xaalada ayaa waxay sii adkaatay markii daadadka soo rogmaday roobka ay waaweyn meel ay ka galaan Wabiga madaama kanaalka biya xireenka kiliga Dhagax jibis oo loogu tala galay biyaha daadka kasoo rogmada iney wabiga ku xareeyaan uu ahaa mid xirna, hayeeshee waqti dambe oo ay daadku dadku barakaciyeen lagu guuleystay in la furo irdaha kanaalka Dhagax jibis.

Si kastaba ha ahaatee daadkan ka dhashay roobabka Xalay waqtiga badan da’ay ayaa sii kordhinaya cabsida ay shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne ka qabaan inuu fatahaad ka geysto wabiga Shabeelle gudaha magaalada Baledweyne.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA