Tuesday, May 21, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada Al-shabaab looga dilay howlgalka sanadka qaatay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgalada qaatay mudada sanadka ah ee dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in howlgaladaasi kooxda Shabaab loogu geystay khasaare iyo jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday dhul aad u balaraan oo ay kooxdu maamuli jirtay mudo dhowr iyo tobanka sano ah.

Wuxuu tilmaamay in howlgalada sanad jirsaday lagu dilay ku dhawaad 2,000 oo ka mid ah askarta kooxda Al-shabaab oo ay 57 ka mid ah yihiin horjoogayaasha kooxdaas.

“Hawlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad jirsaday waxaa lagu dilay kun iyo todobo boqol oo Maleeshiyaad ah (1,700) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa kuwaas oo ka mdi ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya 57 horjooge” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada lagu burburiyay 73 Saldhig oo ay
Kooxdu laheyd, hub iyo saanad ciidan oo u tira badan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in 120 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin waa weyn laga xureeyay Al-Shabaab, kuwaas oo ku kala yaalla dhamaan deegaanada maamul goboleedyada dalka.

“Dhul ka badan illaa kun kiilo mitir ayaa sanad gudihiisa looga ciribtiray Khawaarijta, waxaana intaas dheer in 120 isugu jira deegaano iyo degmooyin laga saaray Al-Shabaab, welina waxaa socda baacisiga kooxda”ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka ayaa xusay in dagaalka ay dowladda la gashay Shabaab oo ahaa sadax jiho oo kala ahaa mid toos ah, mid maaliyadeed iyo midka baraha bulshada in dhamaan laga guul gaaray.

{DAAWO MUQAALKA} Maleeshiyaadkii dhawaan ku dagaalamay Gobolka Sh/dhexe oo la kala qaaday.

Talaado-21-May-2024 {HMC} Maleeshiyaadkii dhawaan ku dagaalamay Gobolka Sh/dhexe oo la kala qaaday. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/i3PDvEU4sic

{DAAWO MUQAALKA} Kooshin 6 Howlwadaag 5 Tartanka Lagu Soo Dhawaynayay Ugaas Yuusuf oo meel Xiiso Leh Maraya

Talaado-21-May-2024 {HMC} Kooshin 6 Howlwadaag 5 Tartanka Lagu Soo Dhawaynayay Ugaas Yuusuf oo meel Xiiso Leh Maraya HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/2xHXdROqIZY

WARARKA