Friday, May 17, 2024
spot_imgspot_img

Garaad jaamac oo Somaliland faray in ay isaga baxdo Gobalka Awdal

Sabti , October -21- 2023-{HMC}  Garaad jaamac Garaad Ismaaciil oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Ugaas
Cabdirasaaq Ugaas Rooble oo ah hoggaamiyaha jabhadda hubaysan ee
gobolka Awdal.

Labada hoggaamiye oo ka wada hadlay isbedelada siyaasadeed ee ka socda
gobolka SSC-Khaatumo iyo Somaliland ayaa sidoo kale fariin adag u diray
maamulka Muuse Biixi.

Ugaas Cabdirasaaq ayaa ugu baaqay ciidamada Somaliland inay isaga
baxaan gobolka Awdal, isagoo carabka ku adkeeyay inay diidan yihiin halku-dhigyada gooni-u-goosad ah kuna baaqayo midnimada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Garaad Gaamac waxa uu ka hadlay xasuuqii ay ciidamada
Muuse Biixi ka geysteen magaalada Laascaanood, wuxuuna ku baaqay in
dhibaatooyinkaas aanay ka dhicin magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

“Intaan dhibaata dhicin dadka guryahoodii uga baxa, Waa nasiib darro in
Isimada Awdal ay gaaari karin deegaanadoodii, taas oo ceeb ku ah dadka
indheergaradka ee Somaliland”.

Garaadka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay gudatay
waajibkeeda, isaga oo xaqiijiyay in aqoonsiga uu ku yimid halgan ay soo
galeen shacabka Deegaanada SSC-Khaatumo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {16-05-2024}

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse HOOS...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/E45ZjX7VNoA

WARARKA