Tuesday, May 21, 2024
spot_imgspot_img

Labo dhallinyaro ah oo baraha bulashada caan ka ahaa oo shil Gaari ku geeriyooday Magaalada Hargeyso

Sabti , October -21- 2023-{HMC}  Cabdicasiis Marshal iyo Khadar Qorshe oo ahaa dhallinyaro saaxiibo ah isla markaana caan ka ahaa barta Snap Chat, ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay Hargaysa saaka subaxdii hore.

Geerida Marshaal iyo Qorshe ayaa aad uga nixisay dadwaynihii baraha bulashada kala socon jiray, iyada oo geeridooda ay dadku ku hadal hayaan goobaha ay bulshadu iskugu timaado.

Dhallinyaradan oo saaka daakiraadii subax marayay wadada wayn ee Hargaysa galbeedka uga baxda, ee xaafada Jigjigayar, ayuu baabuur ay wateen oo nooca raaxada aha uu ku dhacay baabuur xamuula, iyada oo 2 dhallinyaro ah oo kalena ay ku dhaawacmeen shilka.

“Gaadhiga wayni markii hore biro halkaasa ayuu soo jiidhay, iska xili dambena way ahayd markii uu gaadhigani gaadhiga ku dhacay, dhadona way jirtay, wax istoob ahna muu lahayn, gaadhiganina xawaare ayuu ku socday oo sidasu ugu dhacay, marka 2 inan ayaa ku dhintay” Goobjooge ayaa sida warbaahinta u sheegay.

25 September ayay ahayd markii Liibaan Daahir iyo Mustafe Saleebaan oo ahaa laba muuqaal duube oo caan ka ahaa gayiga Soomaalida isla markaana ka hawlgali jiray ustudyaha Waqal ee duuba heesaha ay ku geeriyoodeen shil baabuur oo ka dhacay degmada Sheekh, iyada oo geeridooda aad looga naxay.

Shilalka baabuurta ayaa sannadahan danbe sii kordhaya Somaliland, iyada oo shilal badan oo naxdin lihi ay ka dhaceen wadooyinka dib u hagaajinta lagu sameeyay oo inta badan ay baabuurtu xawaare sare ku marto.

{DAAWO MUQAALKA} War Deg Deg Ah Dabeylo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan qeybo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya

Talaado-21-May-2024 {HMC} War Deg Deg Ah Dabeylo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan qeybo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/J-a1mYEBokc

{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad

Isniin 20 May 2024 {HMC}  Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6Pc5C-qF1sI

WARARKA