Tuesday, May 21, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Joe Biden : “Xamaas iyo Putin waxay matalaan haliso kala duwan,”

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Waa arrin “muhiim u ah amniga qaranka ee Mareykanka” in Israa’iil iyo Ukraine ay ku guuleystaan dagaalladooda, sidaas waxaa sheegey Madaxweyne Joe Biden oo habeenkii Khamiista khudbad naadir ah ka jeediyey Xafiiskiisa ku yaalla Aqalka Cad ee Oval Office.

Hadalka madaxweynaha ayaa ka dhigan inay sii qoto dheerayso doorka Mareykanka ee ku lug lahaanshaha ee dagaalada ka socda labadan dal.

Biden ayaa sheegay ” in haddii gardarada caalamiga ah loo ogolaado inay sii socoto, inay isku dhacyada iyo fowdadu ay ku fidi karaan qaybaha kale ee aduunka.”

“Xamaas iyo Putin waxay matalaan haliso kala duwan,” ayuu yiri Biden. isaga oo sii raaciyey “laakiin waxay wadaagaan, in labadooduba ay rabaan inay gebi ahaanba baabi’iyaan dimuqraadiyadda dalalka deriska la ah.”

Waxa uu sheegay in uu codsi dhaqaale oo degdeg ah u diri doono Congress-ka, kaas oo la filayo in uu noqdo ku dhawaad $100 bilyan sanadka soo socda.

Hindisahan, oo la soo bandhigi doono Jimcaha, ayaa waxaa ku jira lacag loogu talagalay Ukraine, Israel, Taiwan, gargaarka bini’aadantinimo iyo maareynta xuduudaha.

{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad

Isniin 20 May 2024 {HMC}  Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6Pc5C-qF1sI

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024

Isniin 20 May 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/_qiVx6nwsmE

WARARKA