Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xira Isgoosyada Fagax & Xaawa Casir ee degmada Kaaraan

Axad , October -22- 2023-{HMC} Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xira Isgoosyada Fagax iyo Xaawa Casir ee Degmada Kaaraan oo lagu dhisi doono iskutashiga dadweynaha Kaaraan iyo barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Munaasabada dhagax dhiga dhismaha waddadan waxaa goob Joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Maamulka degmada, Saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa tilmaamay in ay sii socon doonan talaabooyinka lagu horumarinayo bilicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa ugu baaqay bulshada in ay jeeb kooda furaan si loogu guuleysto hirgalinta mashaariic hor leh. Sida uu ka yiri khudbad uu ka jadeeyiyey dhagax dhigga waddadaan.

Muddooyinkaan dambe muuqa Muqdisho isbadal ayaa ku yimid iyada Maayar Madaale uu dhigax dhigay waddooyin mudan dhismaha kuwaas oo ay Bulshada Caasimadda baahin weyn u qabtay dhanka isusocodka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA