Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kumaandooska Soomaaliya oo howlgalo qorsheyaan ka sameeyay Koonfurta Mudug

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor guutada 18-aad ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Howlgalka qorsheysan ayaa si gaara ciidanka waxay uga sameyeen dhulka Miyiga ah ee u dhaxeeya deegaanada Shabeeloow iyo Caad ee Koonfurta gobolka Mudug.

Taliye ku xigeenka guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Suulnuuge oo hoggaaminaayay ciidanka howlgalka qorsheysan fuliyay ayaa Warbaahinta qaranka u sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen saldhigyo Al-shabaab ku dhuumaalaysanayeen oo ku yaala nawaaxiga deegaanka Shabeeloow.

“Kooxda naf la caariga ee Khawaarijta ayaa iskaga cararay saldhigyo ay ku lahaayeen dhulka miyiga ah ee aaga Caad iyo shabeeloow kadib markii ciidamadu ay sameeyeen howlgal nadiifin ah” ayuu yiri taliye Suulnuuge.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka wali ay ku daba jiraan firxadka xubanahii Al-shabaab ee isaga cararay Saldhigyadii ay ku dhuumaleysanayeen, islamarkaana uu howlgalka sii socon doono ilaa laga ciribtiro Kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada Galmudug.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA