Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Laftagareen oo Shirguddoomiyey Shirka golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed

Axad , October -22- 2023-{HMC} Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shirguddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada maamulkaas uu yeeshay maanta oo looga hadlay qorshaha Qaran ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo dowladda federaalka ka tirsan, waxaana socda qorshe ballaaran oo Khawaarijta looga sifeynayo dhulka ay ka joogaan Koonfur galbeed.

Waa markii ugu horrasay oo shirka golaha wasiirrada ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed uu ka dhacay meel ka baxsan magaalada Baydhaba. Shirkan oo uu guddoominayay Madaxweynaha Koonfur Galbeedka Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa ka dhacay magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Magaalada Xudur waxaa todobaadkii la soo dhaafay gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, iyaga oo halkaas uga dhawaaqeen wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA