Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Macalin Dugsi Quraan iyo xertiisa oo lagu laayay gobolka Shabeellaha Dhexe

Axad , October -22- 2023-{HMC} Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Xalay maleeshiyaad hubeysan ay ku laayeen dad shacab ah meel u dhaw deegaanka Xaaji Cali oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadale ee gobolkaas.

Dadkaan shacabka ah ee Xalay lagu dilay nawaaxiga deegaanka Xaaji Cali ayaa ka koobna 5 ruux oo kala ahaa Macalin Dugsi Quraan iyo xertiisa, kuwaas oo la tilmaamay in maleeshiyaadka ay jidka u galeen, iyagoo kasoo baxay Subac, kuna sii jeeday guryahooda.

Allah u naxariiste Shanta ruux ee Xalay maleeshiyaadka hubeysan dileen ayaa lagu kala magacaabi jiray Macalin Mukhtar Macalin Maxamuud Yuusuf, Cumar Axmed Yuusuf, Mukhtaar Axmadey Macalin Maxamuud, Maxamed Maxamuud Cali Faradar iyo Abuukar Maxamed Maxamuud Cali Faradar, waxaana la xaqiijiyay in dilkooda uu salka ku haayo aano qabiil.

Si kastaba ha ahaatee maalmihii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa ka socday dagaalo iyo dilal salka ku haya aanooyin qabiil, waxaa sidoo kale dab la qabadsiiyay guryo tira badan oo ay dad shacab ah deganaayeen.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaanka Burka Diirimeed lagu soo gabagabeeyay gogol nabadeed oo lagu heshiisiinaayay beelo walaalo ah oo wada dega degoomoyinka Cadale iyo Raage ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, hayeshee waxaa muuqata in heshiiskaasi uusan noqon mid miradhalay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA