Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Odayaal loo haysto la-macaamilka AS oo maanta la horgeeyay Maxkamad Ku talo Jubbaland

Axad , October -22- 2023-{HMC}  Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybteeda Jubbaland ayaa maanta la horkeenay odayaal dhaqameed ku eedeysan la tacaamulka kooxda As.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday maxkamadda inay u ogolaato 60 cisho oo xabsi xalaaleyn ah, si loo dhameystiro baaritaanka kiiska ay ku eedeysan yihiin odayaal dhaqameedkan, kasoo hor muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybteeda Jubbaland.

Maxkamadda ayaa ogolaatay in odayaasha eedeysaneyaasha ah sii xirnaadaan muddo 2 bilood ah, si xafiiska xeer ilaalinta u dhamaystiro baaritaankiisa, iyada oo xilligaas kadib si rasmi ah loo furi doono garmaqalka kiiska.

Odayaashan oo gaaray illaa 11 xubnood, ayaa waxaa xusid mudan in haddii kiiskan lagu helo ay mari doonaan wadada odayaashii dhaqan ee kal hore dowladda federaalka ay ku xukuntay xabsi gaaraya illaa 15 sano, kadib markii ay heshiis lasoo galeen AS.

Maamulka Jubbaland ayaa horey uga digay la-macaamilka AS, si gaar ah odayaasha dhaqanka, iyada oo markaas uu maamulka sheegay in ciddii aqbasha awaamiirta kooxda ama heshiis la soo gasha in loo aqoonsanayo inay iyaga lamid yihiin.

Hoos ka aqriso magacayada odayaashan

1. Cabdiqaadir Maxamed Macalin Ibraahim
2.Ismaaciil Khaliif Ibraahim
3.Shire Cismaan Maxamed
3.Yuusuf Cabdullaahi Jaamac
4.Cabdi Barre Maxamed
5,Cumar Maxamuud Cilmi
6.Cabdi Maxamed Xirsi
7.Cabdullaahi Bile Siciid
8.Axmed Maxamuud Xasan
9.Salaad Cabdi Maxamuud
10.Axmed Cabdi Keyd

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kal hore soo saartay xeer dambi ka dhigaya la-macaamilka AS, kaasi oo dhigaya in si lamid ah loola dagaalamo cid kasta oo la tacaamusha kooxda, oo xilligaan guluf ka dhan ah uu ka socda dalka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA