Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

Sheekh Shariif oo si kulul u cambaareeyay colaada kasoo cusboonaatay Shabeellaha Dhexe

Axad , October -22- 2023-{HMC} Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyay colaad beeleed kasoo cusboonaatay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay dadkii shacabka ahaa ee Xalay lagu laayay nawaaxiga deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadale, isagoona dhacdadaasi ku tilmaamay iney tahay mid nasiib daro ah.

“Waa wax aad looga xumaado iney soo laabato colaadda u dhaxeysa dadka walaalaha, si adag ayaan u cambaaraynaynaa, Waxaa nasiib darro wayn ah in maalin walba la dilo dad aan waxba galabsan lana daadiyo dhiigga qof muslim ah iyadoo dadaal lugu bixinaayay nabadda iyo dib u heshiisiinta loo fadhiyo muddada dheer si loo soo afjaro xaaladaha colaadeed” ayuu yiri madaxweynahii hore Sheekh Shariif.

Wuxuu sidoo kale uu ku baaqay Sheekh Shariif Sheekh Axmed in si deg deg ah loo horkeeno cadaalada shaqsiyaadkii Xalay dadka shacabka ah ku laayay duuleedka deegaanka Xaaji Cali ee ahaa shan ruux oo isugu jiray Macalin Dugsi Quraan iyo xertiisa.

“Waxaan ku baaqaynaa in sharciga la hor geeyo dambiilayaasha iyadoo la tix gelinaayo baaqii Cadale ee 25-kii November 2022, waxaan sii laba jibbaari doonnaa dadaalladii aan horey u wadnay ee ahaa sidii xal waara looga gaari lahaa dagaal beeleedyada ku soo laa laabtay deegaanka, kamana daali doonno nabadaynta iyo heshiisiinta beelaha walaalaha ah.” ayuu yiri madaxweyne hore Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa bilo ka hor gogol nabadeed uu hormuud ka ahaa, islamarkaana lagu heshiisiinaayay beelaha haatan colaadooda ay soo cusboonaatay kuso gabagabeeyay deegaanka Burka Diirineed, hayeshee heshiiskaasi ayaana si rasmi ah u dhaqan galin, maadaama beelahii la heshiisiiyay ay dad badan iska dileen guryana iska gubeen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {05-05-2024}

Axad 5 April, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Waa tuma gabadha Muslimadda ah ee noqotay taliyaha ciidank cirka Dalka Kenya?

Axad 5, May 2024 {HMC} Maj Gen Fatuma Gaiti Ahmed ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee taariikhda dalka Kenya loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Cirka...

WARARKA