Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wiil yar oo Kufsi iyo dil loogu geestay magaalada Gaalkacyo.

Axad , October -22- 2023-{HMC} Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen, kaddib markii wiil dhallinyaro ah oo magaaladaasi kunoolaa loo geestay kufsi kaddibna ceejo lagu dilay.

Wiilkan oo lagu magacaabayay Cabdinaasir Yuusuf Jihaad ayaa la waayay habeenkii Jimcaha xilli uu kasoo baxay guriga walaashiis kuna sii jeeda guriga eedadiis, waxaana xilligaasi waxii ka dambeeyay la waayay war iyo wacaalka wiilkaasi.

Qoyska wiilka oo sameeyay baadigoob ayaa maalintii shalay oo Sabti aheyd helay meydka wiilkan oo la dhax galiyay jawaanka dhuxusha, waxaana jirka wiilka gaar ahaan dhunta ka muuqday ceejo lagu dilay.

Isbitaalka magaalada Gaalkacyo oo la geeyay meydka wiilkan ayaa baaritaanno ay sameeyeen dhaqaatiirta ku xaqiijiyeen in wiilka la kufsaday kahor inta aan la dilin, waxa ayna sheegeen in wiilka sidoo kale ceejo lagu dilay.

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanka kiiskan dilka iyo kufsiga ah, waxa ayna xuseen in aan wali la aqoonsan dambiilayaasha ayna kudaba jiraan sidii ay u aqoonsan lahaayeen.

Magaalada Gaalkacyo ayaa horey waxaa uga dhacay dilalka argaga leh iyo kufsi loo geesto gabadho ay carruur ku jiraan, waxa ayna dhacdooyinkan noqdeen kuwa marar kala duwan soo noq noqday.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA