Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Askar ka tirsan ciidanka dowladda oo saakay lagu toogtay Baydhabo

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ka kala tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Labadaan askari ee dilka toogashada ah lagu fuliyay saakay ayaa lagu kala magacaabi jiray Geedoow Maxamed Fidle oo loo yaqiinay Abuuroow iyo Ismaaciil Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo isna loo yaqiinay Dhagey, kuwaas horay u dilay dad shacab ahaa.

Ismaaciil Cabdullaahi Cabdiraxmaan Dhagey oo ka mid ahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saakay loo qisaasay dil la sheegay inuu Saldhiga Booliiska Rabdhuure uu ugu geystay Marxuum lagu magacaabi jiray Xuseen Ugaas Cabdiraxmaan oo ay ahaayeen qaraabo dhaw.

Askariga labaad ee dilka toogashada ah lagu fuliyay ee Geedow Maxamed Fidle oo ku magac dheer Abuuroow, kana tirsana ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa isna la sheegay inuu horay u dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Mursal Cali Cabdi oo u dhintay rasaas uu Abuuroow ku furay gaari safar ahaa oo uu la socday marxuumka oo ka yimid Muqdisho, waxaana dilkaas uu ka dhacay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Toogashadaan ayaa saakay ka dbacday fagaare ku yaala magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaana goobjoog ahaa ehelada marxuumiintii la dilay iyo kuwa saakay laga fuliyay toogashada.

Gabagabadii Maxkamadda ciidamada Qalabka sida aya digniin u dirtay ciidanka heer Federaal iyo heer dowlad Glgoboleed, iyadoo sheegtay in sharciga la marsiin doono askarigii lagu cadeeyo ama lagu helo kiis ku saabsan inuu dhibaato u geystay dadka shacab ah ama ciidamada ay isla shaqeeyaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA