Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka dowladda oo Al-shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 260-aad ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Ciidamada ayaa howlgalka xoogiisa ka fuliyay deegaanka Eel boon oo qiyaas ahaan 40 KM dhanka Waqooyi Galbeed kaga beegan magaalada Waajid, halkaas oo mudooyinkii dambe ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 260-aad ee guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Dhame Onkod Macalin Aadan ayaa Warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in deegaanka Eel boon ay si rasmi ah ugala wareegeen kooxdii shabaab ee halkaas ku sugneyd.

Taliye Onkod ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka ay kusoo furteen hub iyo gawaari ay u isticmaalayeen kooxda Shabaab dhibaateynta shacabka oo ay uga carareen deegaanka Eel boon.

Wuxuu sidoo kale xusay taliyaha inuu sii socon doono howlgalka noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan goobaha Al-shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA