Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Diyaarado Helicoptero ah oo la siiyay Ciidamada Burundi ee ku sugan Soomaaliya

isniin, October -23- 2023-{HMC}  Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa ciidamada Dalkan Burundi ee ku sugan gudaha wadanka Soomaaliya ku wareejisay saddex diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaco ee loo yaqaan helikobterka , si ay u caawiyaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Qoraal rasmi ah oo ay hay’adda UNSOS soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku muujisay muhiimadda ay diyaaradahan u leeyihiin xoojinta hawlgallada ATMIS ee Soomaaliya.

Diyaaradahan oo ah kuwa qumaatiga u kaca oo nuucoodu yahay Mi-8 iyo Bell 412, islamarkaas na ay Qaramada Midoobay u oggolaatay, ayaa muhiimad gaar ah u leh kor u qaadida dagaalka lagula jiro Alshabaab.

bayaanka ka so baxay Xafiiska UNSOS ayaa waxaa lagu yiri “Waxay awood u siin doonaan qaadista ciidamada, si degdeg ah u soo celinta agabyada muhiimka ah, iyo daadgureynta agabka caafimaad ee loo daadgureynayo jiidaha hore ee dagaalka,”

Si doo kale UNSOS waxay sheegtay in ay ka go’an tahay bixinta taageerada saadka ee muhiimka ah iyo fududaynta ATMIS, iyada oo wada shaqayn dhow iyo mid wada jir ah la yeelanaysa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF).

Taageeradan waxa ay ujeedadeedu tahay in ATMIS ay ka caawiso in ay si hufan u gudato waajibaadkeeda Soomaaliya, waxayna kusoo beegantay kadib markii Midowga Afrika (AU) uu aqbalay in 90 maalmood la hakiyo ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u heshay diyaaradaha helicopter-ka ee Bell 412, kuwaas oo la rabay in ay si weyn u kordhiyaan awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).

Bishii Luulyo, ciidamada SNA waxa ay heleen laba ka mid ah helikobterradan mataanaha ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA