Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Duqa Magaaada Muqdisho oo ku dhowaaqday in dhaqaale loo aruurinayo dagaalka A S.

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa maanta daah-furay barnaamij dhaqaale loogu aruurinayo dagaalka Al-Shabaab.

Barnaamijkan oo loogu magac daray “dalkaaga ugu hiili hal dollar” oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed uga qeyb qaadanaayan halganka dib u xoreynta dalka ayaa waxaa daah-furkiisa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin.

Guddoomiye Yuusuf Madaale oo ugu horreyntii halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu akoonada loogu tala-galay taakuleynta ku wareejiyay taliska ciidanka, isaga oo bulshada ku wargeliyay in ay furan tahay taakulada ciidanka dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Maanta waxaa nala jooga taliskii oo rabnaa in aan ku wareejino akoonadii si ay ula wadaagan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool, dalka gudihiisa joogana iyaguna ogaadan, ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa leenahay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo joogtan garabkiina, gacantiina, ducadiina iyo isgarab istaagiina ciidamada waa lagama maarman. Marwalba waa aaminsanahay in sidii shalay u garab istaageyseen in maantana u garab istaagi doontaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhankiisa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay garab istaagaan geesiyaasha ciidamada qaranka ee had iyo jeer naftooda iyo dhiigooda u huraya Nabadda iyo Qarannimada Ummadda Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed taakuleyntiisa waa furan tahay, oo naga dalbadeen qurbajoogta iyo gudaha, maanta ayaa halkan ugu soo bandhigeyna akoonadii, waxaana cadeynayna in akoonadaasi yihiin kuwa saxda ah, islamarkaana cid walba oo rabta inay taakuleyso ciidanka kalana qeyb qaadato dagaalka in ay kusoo hagaajiyaan oo ay gacan aamin ah ku dhici doonto.

Waxa uu intaas kusii daray “Dadka Soomaaliyeed ee jecel in dadka iyo dalkooda laga dulqaado cadowga dul yaalla waxaa codsaneyna inay gacan siiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyaga oo isticmaalaya akoonadaan, waxaana loo isticmaali doona in dalka looga saaro Khawaarijta.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA