Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ku wajahan magaalada Tel Aviv ee Israa’iil

Isniin, October -23- 2023-{HMC}  Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku wajahan magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil, halkaas oo lagu wado inuu kula kulmo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, sida ay xaqiijisay Madaxtooyada.

Netanyahu ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Madaxweynaha Faransiiska iyo
Ra’iisul Wasaaraha Holland Mark Rutte ay booqan doonaan Israa’iil.

Booqashada Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku soo beegantay in ka badan
laba toddobaad ka dib weerarradii ay Xamaas ku qaadday Israa’iil, kaasoo ay
ku dhinteen in ka badan 1,400 oo qof, oo ay ku jiraan soddon qof oo Faransiis
ah.

Sidoo kale, 7 qof oo Faransiis ah ayaa weli la la’yahay, waxaana la rumeysan
yahay in dhammaantood ay gacanta ugu jiraan ururka Xamaas, sida uu horey u
sheegay Macron.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf
Scholz, iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa dhammaantood
booqday Israa’iil, si la mid ah Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA