Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamad xabsi dheer ku ridday gabadha Saddam Xuseen.

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Maxkamad ku taalla magaalada Baqdaad ayaa Axaddii iyada oo maqan toddoba sano oo xarig ah ku xukuntay gabadha dibad-jooga ah ee uu dhalay kaligii-taliyihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen, sababo la xiriira inay “buun-buunisay” xisbiga Bacath ee aabaheed.

Xisbiga ayaa la kala diray oo la mamnuucay kadib markii Sadaam xukunka looga tuuray 2003-dii duullaankii uu Maraykanku hogaaminayey ee lagu qaaday Ciraaq.

Sida ku cad xukunka, oo wakaaladda wararka ee AFP ay u suurta-gashay in ay dib u eegto, Raghad Saddam Xuseen ayaa lagu helay dambiga ah “sare u qaadidda dhaq-dhaqaaqyada xisbiga Bacath ee la mamnuucay,” intii lagu guda jiray waraysiyo taleefishin oo ay bixisay 2021-kii.

Dalka Ciraaq maanta, qof kasta oo soo bandhiga sawirro ama halku dhigyo uu ku xayeysiinaayo maamulkii la riday, waxaa lagu soo oogi karaa dacwad.

Xukunku ma tilmaamayo kuwa ay yihiin waraysiyada loo xukumay Raghad.

Balse sanadkii 2021, Raghad ayaa la hadashay kanaalka Al-Carabiya ee Sucuudigu leeyahay, waxayna ka warrantay xaaladihii Ciraaq ee xukunkii gacanta birta ahaa ee aabaheed, intii u dhaxaysay 1979 ilaa 2003.

Dad badan ayaa ii sheegay in muddadaas ay runtii ahayd waqti sharaf iyo karaamo leh, ayay u sheegtay kanaalka Sacuudiga. “Dabcan, dalku wuxuu ahaa mid xasilloon oo qani ah.

Raghad waxay ku nooshahay dalka Urdun, iyada iyo walaasheed Rana. Walaalahood Uday iyo Qusay, waxay ciidamada Maraykanku ku dileen magaalada Mosul, sannadkii 2003-dii.

Inta badan Ciraaqiyiinta, ayaa rubuc qarnigii uu Saddam Xuseen xukumayay weli u arka wakhti cadaadis oo naxariis darro ahaa.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA