Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamadda Jubbaland oo dil ku ridday Askari ka tirsan Ciidanka dowladda

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Maxkamadda ciidamada qaybteeda dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay Maxamed Cabdullaahi Siciid {Maxamed Khadar} oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland kaas oo horay dil u geestay.

Maxamed Khader ayaa October 6, 2023-ka waxa uu dilay Alle ha unaxariistee Maxamed Deeq Nuune Saalax, sida lagu yiri warka ka soo baxay Maxkamadda ciidamada qaybteeda dowlad gobaleedka Jubbaland.

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa dhagaystay dhowr mar oo kala duwan garmaqalka kiiskan maanta xukunkiisa ay ku dhawaaqday, iyada oo maanta ka soo saartay go’aan.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed {Qam-dariiran} ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ee Maxamed Cabdullaahi Siciid {Maxamed Khadar}.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA