Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

QM oo sheegtay in 29 ka mida shaqaaleheeda in lagu dilay dagaalka Gaza

Isniin, October -23- 2023-{HMC}  Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ayaa sheegtay Axaddii in 29 ka mida shaqaaleheeda, lagu dilay Gaza, tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Hay’addan oo loo soo gaabiyo UNRWA ayaa barteeda X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku xaqiijisay geerida 29 ka mida shaqaaleheeda, iyada oo tirada dhimashadu ay ahayd maalinimadii Sabtidii 17 qof, hase ahaatee ay haatan sare u kacday.

Kala badh, ka mida shaqaalaha la dilay ayaa ahaa macalimiin, si ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Kumanaan ka mida shacabka Gaza ayaa gabaad u raadsanaya xarumaha ay maamusho UNRWA.

Weerar ay qaadeen ururka Xamaas ku qaadeen Israa’iil ayay ku dileen 1,400 oo qof.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in weerarada cirka ah ee Israa’iil in lagu dilay 4,600 oo Falastiiniyiin ah, halka Israa’iil ay sahaydii, shidaalkii, biyihii iyo korontadiiba ka jartay marinka Gaza.

AFP

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA