Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeyay Ciidamada dowladda iyo AS oo ku dagaalamay duleedka Muqdisho

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga halayaa dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo As oo xalay ka dhacay deegaanka Jasiira duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo muddo socday

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay AS weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya inay maqlayeen rasaasta iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac, wuxuuna dagaalka ka dhacay fariisin ku taalla koonaha deegaanka Jasiira oo ku yaalla dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Kooxda AS oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka ayaa shaaca ka qaaday inay halkaas ku dishay tiro kamid ah askarta ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamayweli ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo saaka howlgallo ka wada deegaanka Jasiira.

Maalin kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale ay AS weerar loo adeegsaday qarax ismiidaamin ah ku qaaday saldhig ay ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Weeraradan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhacaya Muqdisho iyo agagaarkeeda, maadaama ay AS culeyskooda soo saareen gudaha caasimada.

Kooxda ayaa inta badan jab xoogan kala kulantay dagaallada tooska ah ee uga socda gobollada dalka, kaas oo looga qabsaday dhul ballaaran, sida ay sheegtay dowladda dhexe.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA