Wednesday, June 19, 2024
spot_imgspot_img

Xamaas Oo Dishay Askar Israel Ah Oo Dooneysay Iney Soo Furtaan Maxaabiista

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Askari Israa’iili ah ayaa lagu dilay Qasa, kuwa kale na waa lagu dhaawacay xilli ay iskudayayeen inay soo furtaan dadka ay Xamaas heysto.

Afhayeenka ciidamada Israel Daniel Hagari ayaa baraha bulshada ku faafiyay in tirada askarta la dhaawacay ay yihiin saddex.

Waxaa la weeraray xilli ay ku gudo jireen baaritaanka dadka ay kooxda Xamaas ka qabsatay Israel inta uu socdo dagaalka marinka Qasa.

Gantaal ayaa lagu weeraray askarta iyo gaadiidkooda iyaga oo ku sugan gudaha Qasa. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin goobta rasmiga ee askariga lagu dilay.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Xaadoole “Beesha aan baarlamaanka ku metelo dhul kama heystaan kooxda AS

Arbaco 19 June 2024 {HMC} Xildhibaan Xaadoole “Beesha aan baarlamaanka ku metelo dhul kama heystaan kooxda AS HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxtooyada SSC-khaatumo oo ka warbixisay safarkii uu madaxweyne ku xigeenka ku tagay gobolladaasi.

Arbaco 19 June 2024 {HMC} Madaxtooyada SSC-khaatumo oo ka warbixisay safarkii uu madaxweyne ku xigeenka ku tagay gobolladaasi. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA