Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciiddanka dowladda oo isku soo dhiibay Sargaal ka tirsanaa A S

Talado, October -24- 2023-{HMC} Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay deegaanka Goof Gaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa maanta waxaa isku soo dhiibay sargaal katirsanaa dagaalyahannada A See ku sugan gobolada Baay iyo Bakool.

Muqtaar Maxamed Isxaaq Rabaani  oo ahaa hoggaamiyihii Jabhada ee gobalka Bokool ayaa saakay isku soo dhiibey ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kaddib xiriro uu lasoo sameeyay saraakiil katirsan ciiddanka xoogga.

Ninkan ayaa sheegay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab muddo saddex sanno ah, waxa uuna sheegay in tababar dhinaca jabhada ah kusoo qaatay deegaanka Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sargaalkan ayaana sheegay in uu kasoo qeyb qaatay dagaallo badan oo ka dhacay qeybo kamid ah gobolada dalka, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay cafiyaan haddii waxyeelo xagiisa kasoo gaaray.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA