Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Masuuliyiinta Gobolka Hiiraan oo kormeeray mashaariic biyo xireen ah oo Baladweyne ka socoto.

Talado, October -24- 2023-{HMC} Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo aay wehliyaan xubno maamulka kamid ah iyo Wakiilka Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan beeraha iyo cuntada ee FAO ayaa kormeeray goobaha mashaariicda biyo-xereenada ka socdo magaalada Baladweyne.

 

 

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa madaxda Hayada FAO ka siiyay warbixin biya xereenada hay’ada ay dhiseeyso halka aay marayaan.

 

 

Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay madaxda hay’adda FAO sida aay bulshada gobolka Hiiraan uga gacansiiyeen sidii xal waara loogu heli lahaa fataahadda Beledweyne kusoo noq-noqota.

 

 

Madaxda maamulka ayaa wafdiga hay’adda FAO ka socday ka dalbaday biyo xereeno kale oo dheeraad ah oo laga dhiso Beledweyne,Suuqyo iyo mashaariic kale oo horumarin ah oo bulshada gobolka baahi u qabaan.

 

 

Gabagabadii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa madaxda hay’adda FAO guddoonsiiyay Shahaado Sharaf ka turjumeyso wax qabadkooda la xiriiro biyo xereenada ay ka sameeyeen Magaalada Beledweyne.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA