Monday, May 6, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Maxeey isku dishay Xamda Xuseen Cumar oo aheyd Gabar Soomaaliyeed ?

Talado, October -24- 2023-{HMC} Allaha u naxariistee Gabadhan oo ay Dadeedu jirtay 18 sano ayaa lagu magacaabayay Xamda Xuseen Cumar ayaa toddobaadkan gudihiisa isku dishay xaafad ka tirsan magaalada Hargeysa, gabadha oo ahayd tan kaliya ee reerka u dhaq-dhaqaaqda ayaa la sheegay in ay isu dishay sababo la xiriira xaalado duruufeed oo qoyska lasoo dersay isla markaana ay awoodi weyday in ay maareyso.

Waalidiinta dhalay labaduba waa naafo waxaana hooda u dheer Xanuun kaas oo ah in mararka qaar ay dhacdo ama ay xuudo oo miyir daboolanto .

Waxa jirta gabadh kale oo ah da’da kayar gabadha is dishay, waxa lagu magacaabaa Salma Xuseen, waxa ay jirtaa 15 sano, waa gabadha kaliya ee reerka u hartay maaddaama markii horeba ay labo kaliya ahaayeen, waxaa lasoo werinayaa in qoysku hadda ay wajahayaan cabsi kale oo la xiriirta in gabadha kaliya ee u hartay reerka ee Salma ah ay qorsheyneyso in laftigeeda ay is disho.

Gabadha is dishay waxa ay ahayd ardayad, waxa u suura geli weyday in ay sii wadato waxbarashada sababo la xiriira duruufta qoyska, Xamda waxa ay ka hartay guud ahaan waxbarashada, waxa ay isku dayday in ay raadiso shaqo, wixii ay doontaba ha noqotee, hase yeehsee uma aysan suura gelin in ay hesho, marka ay eegtay nolosha qoyska iyo xaaladda duruufeed ee haysata, marka ay aragtay in waxbarasho aysanu suura geli Karin iyo marka ay shaqo weysay, waxa ay go’aansatay in ay nafta is dhaafiso.

Allaha u naxariistee, Xamda waxa ay isku xirtay qol yar oo gurigooda katirsan, waxa ay xarig ku xiratay xagga saree e qolka kadibna qoorta ayey ku xiratay, iyadoo sidaas isku daldashay, halkaana nafteyda ku weyday.

Qoyska ayaa haatan wajahaya cabsi ah in Salma lafteedu ay dooneyso in ay marti waddadii ay ku baxday walaasheedii kaweyneed, weli duruuf ayaa heysata qofka oo noloshooda waa mid adag, waana tan Salma lafteegu ay u aragto in noloshan aysan wax badan ka bedeli Karin.

Aabe Xuseen Cumar oo ah aabbaha dhalay labada Gabdhood ee midna geeriyootay midina aysan nolosha rejo badan kalahayn ayaa la hadlay warbaahinta MM TV, isagoo ka warramay nolosha adag ee qoyskiisa.

Abbaha oo ka hadlay xaaladda heysata ayaa yiri, “Waxan ahay ninkan naafada ah, anigu marka hore waxa aan ku tiirsanaa xooggeyga, waxan ahay naafo oo maanan xanuunsaneyn, hase yeeshee markii dambe waan soo ciiray oo wan soo fariistay, intaa kadib waxa aan ku nooleyn caawimaad aan ka heli jiray jaarka”.

Intaa kadib BBC-da oo qadka taleefanka kula xiriirtay aabbe Xuseen, ayaan wax ka weydiinnay, waxa ay gabadhiisii Salma qaban jirtay iyo xaaladeedu sida ay ahayd inta aaney is daldalin, isagoo ka hadlayana waxa uu yiri,” Gabadhu wey fiicneyd oo xaalad caafimaad ma aysan qabin, waxa ay noqotay qof garab waayay, ciil iyo culeys ay dareentay awgeed ayey isku dishay, sheydaan baa qaaday, waxa ay is tustay in noloshaaba aysan u qalbin in ay sii noolaato”.

Aabbaha ayaa sidoo kale ka hadlay cabsida uu hadda ka qabo inantiisa kale isagoo yiri, “Hadda inantii weyneed wey tagtay oo inoomasoo laabaneyso, hadda waxaan nahay intantaydii kale ee Salma iyo aniga iyo xaaskeygii iyo ayeeydood, saddexdeena waalidka ah waxaan wada nahay naafo, waxaa hadda iyaduna isku buuqsan intaydii kale ee Salma, adduunyadu waa maalmo koobane, waxa aan codsaneynaa in gala garab istaago”.

Dhinaca kale booliska Somaliland oo aan la xiriirnay ayey noo suura weysay in aan helno, hase yeeshee Aabbe Xuseen Cumar Barkhad ayaa noo sheegay in boolisku weli aysan tegin guriga uu dilku ka dhacay aysanna weli ka hadlin arrinta dilka ee gabadha.

 

Sida caadiga ah dhallinyarada kunool gudaha dalka waxa ay badankood ka cawdaan dhibaatooyin shao la’aaneed, qaarkood waxa ay ku qasabtaa in ay tahriibaan oo ay naftooda biimeeyaan, kuwa kalana waxa ay isku dayaan in ay gudaha dalka isku celiyaan iyagoo rajo ka qaba in ay samstaan nolol kaduwan tan ay ku noolyihiin.

Xigasho BBC

 

 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06.05.2024}

Isniin 6 may, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo :Yaasiin Ali...

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Gaaljecel oo Deeq Geel Ah Geysay Gogosha Martiqaadka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Isniin 6, May 2024 {HMC} Beesha Gaaljecel oo Deeq Geel Ah Geysay Gogosha Martiqaadka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/ZHZ2q-f2AjI

WARARKA