Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Diyaaradaha Dagaalka Israaiil oo duqeyn cirka ah ka Geeysatay Magaalada Gaza.

Talado, October -24- 2023-{HMC} Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda ayaa duqeyn arxan-darro ah ku beegsaday goobo ay degen yihiin Dad rayid ah oo ku yaalla Magaalada Gaza waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray qaar kamid ah dhismihii ay degenayaan Dadkaan shacabka ah.

Saacado kooban ayay Diyaaradaha Israaiil waxa ay gantaallo culus oo kor u dhaafaya 300 ay ku gaareen Magaalada Gaza iyada oo taasi sii kordhisay duqeynta dhankeeda lagu garaayo saldhigyada ay ka sameysteen Dhulka ay xoogga ku heystaan.

Cabsi xooggan ayaa laga muujinayaa in Yuhuuddu ay duqeyso Gargaarka bani aadamnimo ee u gudbay Shacabka ay dhibaatadu ku heysto ee Falastiin maadaama ay ku dhiirratay in ay bam ku dhufato Isbitaalka Al-Ahli Baptist ee Gaza ku yaalla.

Mareykanka ayaa Israaiil usoo jeediyay in ay joojiso Duqeynta isla markaana ay sameyso Xabbad-joojin dhinaceeda ah si hoos loogu dhigo carada ka dhalatay weerarrada arxan-darrada ah ee Yuhuuddu geysaneyso.

Washington ayaa Israaiil uga digtay in ay isku daydo duullaan dhulka ah oo khasaaraha ugu badan ee iska caabinta Falastiiniyiinta kusoo gaarsiin karaan maadaama loo hayo colaad weyn oo ka dhalatay duqeynta ay geysatay.

Israaiil ayaa madaxa gidaarka ku garaacaneysa sabab la xiriirta in ay sheegtay inay awood kusoo furaneyso Maxaabiistii looga soo qafaashay weerarkii cuslaa ee dhacay 7dii Oktoobar 2023 kaas oo bannaanka soo dhigay awood yarida ciidankeeda & sirdoonkii ay ku faaneysay oo ogaan waayay duullaankaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA