Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo Celisay muwaaddiniin ku xannibnaa Liibiya

Talada, October -24- 2023-{HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 99 muwaaddiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo muddo ku jiray xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya.

Muwaaddiniintan oo hab tahriib ah ku galay Liibiya ayaa waxaa soo celintooda iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS iyo Hay’adda socdaalka Adduunka IOM ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhoweeyay Ergeyga gaarka ah ee xafiiska Madaxweynaha JFS u qaabbilsan soo galootiga iyo xaquuqda carruurta, Maryan Yaasiin Jaamac iyo Raage Cusmaan oo ah Agaasimaha waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Agaasimaha waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS , Raage Cusmaan ayaa Waraabhnta Qaranka u sheegay in muwaaddiniintan oo ka koobnaa 88 rag ah iyo 11 haween ah ay 47 ka mid ah ka dejiyeen magaalada Hargeysa, halka 52 kalena la keenay Muqdisho.

Agaasime Raage ayaa howshan ugu mahad celiyay madaxweynaha JFS, Hay’adda socdaalka Adduunka IOM iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya, wuxuna dhallin yarada Soomaaliyeed faray in ay dalkooda iimaansadaan kuwa doonaya tahriibkana ay ku tusaale qaataan muwaaddiniintan maanta lasoo celiyay.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan muwaaddiniin kale oo ku xanniban dalka Liibiya, kuwaas oo dhowaan ay rajeynayaan in dalka dib loogu soo celiyo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA