Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ciidan kala dhex dhigtay beelo ku dagaalamay Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamo Booliis ah ay kala dhex dhigtay laba beelood oo walaalo ah oo colaada u dhaxeysa ay dib uga soo cusboonatay maalmahii lasoo dhaafay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiid Aadan Cali Doodishe ayaa warbaahinta u sheegay in beelaha ku dagaalamay deegaanada hoostaga degmada Cadale in dowladda ay kala dhex dhigtay ciidamo Booliis ah oo isugu heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed.

“Ciidamada Booliska ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ku guuleystay iney kala dhexgalaan laba beelood oo walaalo ah, kuwaas oo ku dagaalamay deegaan hoos yimaada degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha dhexe” ayuu yiri afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe.

Talaabadaan ay dowladda Soomaaliya qaaday ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo colaada labada beelood u dhaxeysa ay walaac xoogan ka muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, kadib markii habeen hore deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degnada Cadale lagu dilay Macalin Dugsi Quraan iyo xertiisa, xili ay kasoo baxeen goob ay ku subcinayeen, islamarkaana ay kusii kala jeedeen guryahooda.

Beelahaan walaalaha ayaa sidoo kale iska gubay guryo badan oo ku yaala deegaano hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA