Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Guddiga doorashada P/L oo Shaaciyay Jadwalka Doorashadą Baarlamanka & Madaxweynaha

Talado , October -24- 2023-{HMC} Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2024, kaasi oo muddo kororsi dadban loogu sameeyay madaxweyne Saciid Deni.

Bayaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland ayaa waxaa lagu shaaciyay in doorashada Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka Puntland loo asteeyay inay qabsoomto 25-ka bisha Febraayo ee sanadka soo aadan ee 2024-ka.

“Guddiga Madaxa-banana ee Doorashooyinka Puntland markuu la tashaday xisbiyada siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha kale waxa uu go’aamiyay in doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada la isa-saaro hal marna la wada qabto,” ayaa lagu yiri bayaanka PEC.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dib loo furay diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, islamarkaana la bilaabi doono dhamaadka sanadkaan, gaar ahaan bisha December.

Qabashada liistada Musharaxiinta ayaa bilaaban doonta December illaa January. Halka ololaha doorashada uu bilaaban doono February 2024-ka, maalmo kahor un waqtiga uu guddiga doorashooyinka u asteeyay doorashada isa-saaran, sida lagu sheegay jadwalka doorashada ee uu saaray guddiga PEC

Jadwalka uu soo saaray guddiga PEC ayaa muujinaya in kordhin lagu sameeyay muddo xileedka dowladda oo ku eg 8 Jan ee sannadka 2024-ka

Sidoo kale waxa uu jadwalkaan imanaya xilli uu khilaaf xooggan ka dhex aloosan yahay xukuumadda madaxweyne Deni iyo mucaaradka oo ku muransan nooca loo qabanayo doorashada madaxtinimada ee maamulkaas.

Saciid Deni ayaa dhawaan sheegay in doorashada 2024-ka lagu qaban doono nidaamka qof iyo cod, hase yeeshe waxaa taasi ka horyimid siyaasiyiinta mucaaradka oo iyagu raba in doorashada lagu galo sidii hore.

Mucaaradka ayaa walaac ka qaba in Saciid Deni uu gacan bidixeeyo doorashada qof iyo cod ama ay u noqoto marmarsiyo uu ku sameysato muddo kororsi, sida maantaba ka muuqata jadwalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland oo Deni u sameeyay muddo kororsi dadban.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA